Wasaaradda warfaafinta oo ka digtay barnaamijka ay waddo Somali debates

Wasaaradda wafraafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa ka digtay inay barnaamij dood ah oo ku saabsan doorashooyinka ku qabato magaalada Muqdisho kooxda la baxday Somali debates.

Wasaaradda ayaa kooxda la baxday Somali debates iyo kuwa la midka ah fartay inay ka waantoobaan falalka noocaas ah.

Waxanay sidoo kale Wasaaraddu fartay inaanay saaxiibbada caalamka oo ay ugu horreeyaan ATMIS iyo UNSOM kala shaqayn howlaha warbaahinta una oggolaan cid aan fasax ka wadan Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.