Wasaaradda Warfaafinta Galmudug oo daah-furtay munaasabad lagu maamuusayo dhaqanka

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka daah-furtay munaasabad lagu maamuusayo dhaqanka Soomaaliyeed, si loo baro Dhalinyarada da’da yar muhiimada dhaqankooda u leeyahay iyo in ay faham wanaagsan ka kororsadaan soo yaalka dhaqankooda.

 

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa munaasabadaan oo ay joogeen tiro Wasiiro ah iyo qaybaha Kala duwan ee Bulshada ka sheegay in Wasaraddu dadaal xoogan galineyso sidii loo dhisi lahaa xarumo lagu keydiyo agab dhaqameedyada, isla markaana la qorsheynayo in la maal-galiyo xirfadleyda soo saarta agabka kala duwan ee dhaqanka.