Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa 335 xarumood oo isugu jira goobo caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto-gelin bilaash ah.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa booqasho ku tagay xarumaha waxbarasho ee ay wasaaraddu ka fulisay mashruuca koronto galinta bilaashka ah. Xarumaha uu booqday waxaa ka mid ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo dugsiyo ku yaalla caasimadda.
Mashruucan waxa uu ujeeddadiisu ahayd in lagu caawiyo bulshada Soomaaliyeed koronto bilaash ah, gaar ahaan goobaha caafimaadka iyo waxbarashada, si loo helo adeeg hufan oo joogto ah.


