Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo qabatay kulan looga hadlay adeegyada bulshada

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa furay kulan wadatashi ah oo looga hadlaayay sare u kaca qiimaha ee ku yimid adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada.

Kulankaasi oo ay ka qeybgaleen shirkadaha bixiya korntada iyo qaar kamid ah bulshada waxaa si gaar ah looga hadlay saameynta iyo,sare u kaca qiimaha korontada iyo sidoo kale sidii loo heli lahaa adeeg koronto oo la isku halleyn karo.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka qeybgalay masúuliyiin ka socday wasaaradda tamarta iyo maamulka rugta ganacsig Soomaaliyeed\