Wasaaradda Sportiga oo tababar u furtay garsoorayaal dumar ah

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xil. Dahabo Susow Mohamud ayaa maanta si rasmi ah u daah furtay Tababar aqoon korarsi ah oo loo qabtay 34 garsoore oo dumar ah.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xirfadda garsoorayaasha haweenka si ay door muuqda uga qaataan horumarka kubadda cagta dalka.

Munaasabadda daah-furka tababarkan waxaa goob joog ka ahaa:
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Guddoomiye ku xigeennada, Xog-haya guud ee Xiriirka iyo Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka.

Ugu dambeyn, Wasiir Dahabo ayaa la dardaarantay garsoorayaasha dumarka ah ee tababarka uu u furmay, sidoo kale waxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uga mahad celisay kaalintooda kaga aaddan horumarinta isboortiga Dalka.