Wasaaradda Shaqada XFS oo ku baaqday in la joojiyo ku shaqeynta carruurta

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS  Xildhibaan Aamino Xuseen Cali oo ka qeybgashay xaflad loo sameeyay xuska 12-ka June ee maalinta caalamiga ah ee ka hortaga ku shaqeysiga carruurta  ayaa ka warbixisay tacadiyada kala duwan ee loo geysto carruurta iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay xal u helidda arrimahaasi.

Wasiir ku xigeenka ayaa caddeysay in ka dowlad ahaan ay diyaar u yihiin sidii wax looga qaban lahaa xadgudubyada iyo tacadiyada ku dhaca carruurta,gaar ahaan ku shaqeynta dhallaanka yar-yar,waxayna soo jeedisay in cid kasta ay gacan ka geysato badbaadinta ubadka oo ah mustaqbalka dalka.

Maalinta caalamiga ah ee ka-hortagga ku shaqeynta carruurta waa dhacdo sanadle ah oo 12-ka Juun ay qabtaan Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO.

Maalintaan waxaa loogu talagalay in lagu xasuusto ama diiradda lagu saaro baahsanaanta tacadiyada ku dhaca carruurta ee dhanka ku shaqeynta iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in meesha laga saaro xadgudubyadaasi.