Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabatay kulanka 6-aad ee Guddiga Farsamada Socdaalka Shaqaalaha

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Shaqada Adduunka (ILO), ayaa Muqdisho ku qabatay kulanka 6-aad ee Guddiga Farsamada Socdaalka Shaqaalaha.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray horumarinta siyaasadaha iyo nidaamyada socdaalka shaqaalaha, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyo xaqiijinta in shaqaaluhu helaan fursado shaqo oo ammaan ah, sharciyeysan, caddaalad ah, isla markaana waafaqsan halbeegyada shaqada ee caalamiga ah.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga dowladda, shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha si loo xoojiyo maamulka socdaalka shaqaalaha, loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha muhaajiriinta ah, loona abuuro fursado shaqo oo waara.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha dowladda, ururrada shaqaalaha, loo-shaqeeyayaasha iyo bahwadaagta caalamiga ah, iyo horumarinta adeegyada macluumaadka socdaalka shaqaalaha.

Dadaalladan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu xaqiijinayo in socdaalka shaqaalaha Soomaaliyeed uu noqdo mid ammaan ah, nidaamsan oo sharciyeysan, kana qayb qaata koboca dhaqaalaha dalka iyo abuurista fursado shaqo oo waara. Barnaamijka waxaa maalgelinaya UK FCDO, iyadoo loo marayo ILO.