Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo lagu qiimeynayo muuqaalka guud ee nidaamka daryeelka bulshada ee dalka.
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka, hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kale. Aqoon-is-weydaarsigan ayaa ujeedkiisu ahaa in la is-weydaarsado xogaha muhiimka ah, lana xoojiyo iskaashiga lagu horumarinayo barnaamijyada daryeelka bulshada ee Soomaaliya.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, waxa ka go’an in la dhiso nidaam ilaalin bulsho oo waara, loo dhan yahay, kana jawaaba baahiyaha dadka nugul, si waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).