Agaasimaha Xafiiska Isku-duwidda Deeqaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Cabdifataax Cismaan Xasan (Gaandi) ayaa furay kulan ku saabsanaa is-waafajinta qorsheyaasha horumarineed ee dalka, kaas oo ay la yeesheen madaxda xafiiska QM ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isku waafajin lahaa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo Qorshaha Cusub ee Iskaashiga Qaramada Midoobay oo la filayo in la billaabo marka uu dhammaado qorshaha hadda socda sanadka 2025.
Ujeeddada kulanku waxay ahayd in la dardargeliyo iskaashiga dowladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay si horumar la taaban karo looga gaaro mashaariicda socda, loona hubiyo in deeqaha la helo ay la jaanqaadaan baahiyaha dhabta ah ee bulshada Soomaaliyeed.