Wasaaradda Qorsheynta iyo IOM oo ka wada hadlay Mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii barnaamijyada iyo istaraatiijiyadda IOM si buuxda loo waafajin lahaa mudnaanta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), iyadoo la xoojinayo kaalinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee isku-duwidda iskaashiga horumarineed iyo xaqiijinta yoolalka qaranka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta qorsheynta wadajirka ah, isku-duwidda dadaallada horumarinta, horumarinta nidaamyada xogta ee socdaalka iyo barakaca iyo dib-u-eegista Istaraatiijiyadda IOM si ay ula jaanqaaddo mudnaanta iyo baahiyaha horumarineed ee Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ayaa soo dhoweeyay sida ay IOM uga go’an tahay inay sii xoojiso wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay isku raaceen in la dardargeliyo wadatashiyada, la xoojiyo iskaashiga, isla markaana la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo hirgelinta qorshayaasha horumarinta dalka.