Wasaaradda maaliyadda XFS oo qabatay shir looga arinsanayey sidii looga hortagilahaa maalgelinta Argagixisadda

Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda lagu qabtay shir muhiim ah oo looga arrinsaday sidii looga hortagi lahaa maalgalinta argagixisada.

shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda sida Bangiyada iyo Xawaaladaha dalka ka jira iyo Wasiirada Maaliyadda, Ganacsiga, Cadaaladda, xeer-ilaaliyaha guud, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, Agaasimaha Xarunta FRC iyo Agaasimaha NISA.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Elmi M. Nur oo ahaa shir-guddoonka kulanka ayaa sheegay in ay si adag uga wada-hadleen in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaqaalahooda looga difaaci lahaa argagixisada