Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ku dhawaaqday in canshuurta gadista laga joojiyay isbitaalada

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Cabdiqafaar Cilmi Xaange, oo khudbad ka jeediyay Bandhiga Waxqabadka Afarta Sano ee Isbitaalka Demartino, ayaa sheegay in canshuurta gadista laga joojiyay isbitaalada.

Wasiir Xaange waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan ay tixgaliyeen talooyinka bahda caafimaadka, isla markaana ay meesha ka saareen cashuurtii gedista, iyagoo u damqanaya xaaladda dadka iyo baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in amniga, caafimaadka, iyo waxbarashada ay yihiin dhinacyada ay dowladu mudnaanta siineyso, isagoo ballan qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii loo dabooli lahaa baahiyaha isbitaalada dalka.