Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Cabdiqafaar Cilmo Xaange ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dakhliya iyo dar-dar galinta canshuuraha kala ah 1-canshuurta iibka (VAT), 2-canshuurta waddo-mirsta iyo 3-canshuurta kirada guryaha, kulanka waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Hoggaanka ilaalada Canshuuraha, Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee Dakhliga iyo howl-wadeeno kale.
Dood dheer oo salka ku haysay u kuurgalid, qiimayn iyo falanqeyn kadib waxaa la isla qaatay in talaabo cad laga qaadayo cid kasto oo lagu helo la baxsi canshuur iyo is daba marin. Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda, Hoggaanka ilaalada Canshuura iyo xafiiska xeer-ilaaliya qaranka waxa ay isla qaateen in talaabo sharci laga waado si cidii ku xad-gudubta dakhliga iyadoona loo maxkamadeyn doono falkasta oo la xiriira canshuur diidmo ama la baxsasho.