Wasaaradda Maaliyadda oo dhaqangelisay dhimista lacagta iskaanka hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta oo isniin ah dhaqangelisay Hannaanka Khidmad-dhimista ee lagu go’aamiyay Qaraarkii Golaha Wasiirrada kuna saabsanaa in la dhimo 50% lacagta looga qaado Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho.