Wasaaradda howlaha guud oo ka warbixisay halka uu marayo mashruuca dib u dhiska waddooyinka dalka

Baladweyne- Wasaaradda howlaha guud ee DFS ayaa wadda u diyaargarowgii ugu dambeeyay mashruuc dib loogu dhisayo qaar ka mid ah waddooyinkii uu burburka soo gaaray soddonkii sano ee ugu dambeeyay.

Mashruucan oo qeyb ka mid ah ay dhowaan si wada jir ah u dhagax dhigeen Wasiirka howlaha guud ee Hirshabeelle Jaamac Xuseen Xaashi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda howlaha guud ee DFS Axmed Maxamed Iimaan ayaa lagu wadaa in laga billaabo duleedka Magaalada Baladweyne oo ka mid ah goobihii loo qorsheeyay.

Agaasimaha guud ee wasaraadda howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya, Axmed Maxamed Iimaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay inay dowladda dhexe qorsheynayso dhismaha waddooyin casri ah lana jaanqaadi kara habka caalamiga ah, kuwaas oo ay ka hirgelin doonto Afar maamul goboleed oo kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.

Agaasime IImaan ayaa sheegay in uu jiro mashruuc kale oo uu ka saacidayo Bankiga Adduunka, kaas oo lagu dhisayo Jidadka iyo Suuqyada caasimadaha maamullada dalka, isagoo intaa ku daray inuu haatanba ka socda magaalooyinka Muqdisho,Garoowe, Baydhabo iyo kismaayo, halka Dhuusamareeb iyo Jowharna dhowaan laga billaabi doono.