Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Dhismaha Guryo Qiimo Jaban, oo loogu talagalay qoysaska Soomaaliyeed ee ku barakacay abaaraha, daadadka iyo colaadaha.
Barnaamijkan waxaa soo abaabushay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta, iyadoo kaashaneysa Hay’adda IOM, waxaana diyaarintiisa iyo isku-duwidda lagu soo waday muddo lix bilood ah.
Inta lagu guda jiray muddadaas, waxaa si weyn uga qeyb qaatay ardayda jaamacadaha SIMAD, SNU iyo Jaamacadda Banaadir, iyo sidoo kale shirkado dhisme iyo maalgeliyayaal dhanka guryaha ah, kuwaas oo door muuqda ka qaatay naqshadeynta iyo qiimeynta qorshayaasha dhismaha.
Munaasabadda daah-furka waxaa si wadajir ah uga qeyb galay Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud, wasiirro ka socda dowlad-goboleedyada dalka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.
Intii lagu jiray bandhigga, waxaa la soo bandhigay naqshado iyo qorshayaal dhismeed oo si gaar ah loogu talagalay qoyska Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinayo dhaqanka, adkeysiga dhismayaasha, iyo badqabka qoyska.
Ujeeddada barnaamijku waa in la dhiso 20,000 guri oo waara, kuwaas oo lagu dhisi doono qalab iyo agab laga soo saaray gudaha dalka, si loo dhiirrigeliyo isticmaalka wax-soosaarka gudaha iyo horumarinta xirfadaha dhismaha ee maxalliga ah.
Tartanka naqshadeynta ayaa ka koobnaa sagaal naqshadood, waxaana ugu dambeyntii la doortay saddex naqshadood oo ugu habboonaa, iyadoo lagu saleynayo cimilada, dhaqanka, dhowrsanaanta qoyska, iyo qiimaha dhismaha.
Gabagabadii, ardayda iyo injineeradii guuleystay ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarino iyo shahaadooyin, halka khubarada caalamiga ah ee ka qeyb qaatay naqshadeynta iyo horumarinta barnaamijkan lagu ammaanay kaalintooda muhiimka ah ee tayeynta mashruuca.


