Wasaaradda ganacsiga oo furtay kulan lagu xoojiyanayo maamulka ganacsiyada gaarka loo leeyahay

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md, Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa furay kulanka aqoon-iswaydaarsiga ah oo u dhaxeeya dowladda iyo ganacsatada, kulankan oo Wasaaraddu soo qaban-qaabisay ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta maamulka ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

Barnaamijka wada-hadalka dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ayaa waxa maal-gelinaya Midowga Yurub waxana hirgelinaya hay’adda DAI.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wakiillo ka kala socda hay’adaha dowladda, rugta ganacsiyada, xarumaha lagu kobciyo ganacsiyada ,iskaashatooyinka, ganacsatada yar-yar, kuwa dhexe, khubaro iyo cilmi baarayaal kala duwan.