Wasaaradda ganacsiga oo furtay Bangiga dhiirrigelinta dhoofinta wax-soosaarka dalka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa maanta si rasmi ah u furay Bandhigga Dhiirrigelinta Dhoofinta Wax-soosaarka Dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, Kaasoo ay kasoo qaybgaleen ganacsato heer qaran iyo heer gobol ah, warshado yaryar iyo ururada wax-soo-saarka, iyo qeybaha kale ee daneeyeyaasha dhaqaalaha gudaha.

Bandhiggan waxaa lagu soo bandhigay noocyo kala duwan oo badeecooyin ah oo ka tarjumaya hodantinimada kheyraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku mannaystay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ka mid ahaa wax-soosaarka la soo bandhigay: malab tayo sare leh, kalluun iyo cuntooyinka badda (seafood), qaxwo Soomaaliyeed, luubaan, cabitaanno dabiici ah (fresh juices), agabyo herbal ah oo dabiici ah oo aan kiimiko lahayn, iyo badeecooyin laga farsameeyay wax-soosaarka beeraha iyo xoolaha dalka.

Wasiir Geesood ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay in ay garab istaagto ganacsatada Soomaaliyeed, si ay u helaan suuqyo caalami ah oo ay badeecooyinkooda ku gaarsiiyaan.

Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ganacsatadu u hoggaansamaan nidaamka dowladda, gaar ahaan hay’adaha tayodhowrka, si badeecooyinka loo dhoofinayo ay u helaan shahaadooyin aqbalaad caalami ah.

Agaasimaha Hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed Xaawo Axmed Xasan ayaa sheegtay Hay’addu diyaar u tahay in ay si dhow u la shaqeyso ganacsatada, warshadaha, iyo daneeyeyaasha kale ee ku hawlan dhoofinta, iyadoo la hubinayo in badeecooyinka laga dhoofinayo Soomaaliya ay noqdaan kuwo sumcad u yeela magaca dalka iyo dadkiisa.

Bandhiggan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha, kobcinta dhaqaalaha dalka, iyo gaarsiinta badeecooyinka Soomaaliyeed suuqyada caalamiga ah iyadoo la raacayo heerarka tayada iyo hufnaanta ganacsi ee caalamiga ah.