wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha oo si rasmi ah u daah-furtay xog kaydiyaha Ganacsiga Soomaliya

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furtay Xog-keydiyaha Ganacsiga Soomaaliya oo ah Website casri ah(www.stip.gov.so) oo lagu soo uruuriyey xogaha la xidhiidha Ganacsiga sida shuruucda, xeer-nidaamiyeyaasha iyo guud ahaan xogaha kale ee khuseeya habraacyada Ganacsiga dalka ee ay gacanta ku hayaan hay’adaha dawladda.

Munaasibadda Daah-furka Barnaamijkan oo ka qabsoontay hotel Decele ee Muqdisho, ayaa waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ahna Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Md. Cali Maxamed Sheekh Bagadi, Agaasimaha Guud Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, Agaasimeyaal, agaasime Waaxeedyada iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda iyo weli ba sidoo kale Ganacsato iyo mas’uuliyiin ka socday Baanka Aduunka.

Wasiirada oo ugu horreyn Madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu barnaamijkani u lee yahay daah-furnaanta Ganacsiga isla-mar-ahaantaana ay Ganacsatada iyo Maal-gashadeyaasha caalamiga ahi ba ay si fudud ganacsiyo iyo maal-gashiyo ba uga samayn karaan dalka. Waxa sidoo kale ay tilmaamaameen in arrintani ay muhiim u tahay ganacsiga iskaga gudba xuduudaha iyo weli ba inuu wax weyn ka tari doono ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Aduunka iyo gelitaanka heshiisyada ganacsiga ee wadamada caalamka.

Agaasimeyaasha iyo madaxda hay’adaha caalamiga ah oo iyagu na dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa waxay sheegeen maadaama oo barnaamijkan la sameeyey uu yarayn doono wakhtigii ganacsatada kaga lumi jiray abuurista shirkadaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga dalka isla-mar-ahaantaana ay si fudud ku heli karaan xogaha la xidhiidha Ganacsiga wadanka.