Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo yeelatay Afhayeen cusub

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si loo dardargaliyo hawlgalada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah waxa uu X/le Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Jeneraal, Cabdullaahi Cali Caanood kaga mahad-celiyay, kuna ammaanay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Afhayeenka Cusub kula dardaarmay dardargalinta waajibaadka s  Qaran ee loo igmaday.