Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo soo dhowaysay Taageero Midowga Yurub u fidiyey ciidanka Xoogga

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhowaysay taageero Maaliyaddeed oo midowga Yurub u fidiyey Ciidamada Qaranka Soomaaliya,midowga Yurub ayaa sidoo kale u fidiyey Ciidanka Qaranka Saannad iyo agab kale.

Warsaxafadeed ay soo saartay Wasaaradda gaashaandhiga ayaa lagu yiri” Wasaaradda Gaashaandhigga waxay soo dhowaynaysaa go’aanada golaha Midowga Yurub ee ku yaboohay taageerada Ciidamada Qaranka Soomaaliya Saannad iyo agab dagaalka iyo adduun lacageed oo dhan Hal malyan oo Yuuro”.

Dhaqaalahan ayaa qayb ka noqonaya qorshaha Dowladda Soomaaliya kula wareegayso Amniga dalka goobaha ay weli ku sugan yihiinka ATMIS oo Dowladda soomaaliya u qorshaysay in askariga u dambeeyaa Dalka ka baxo December 2024.