Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo sheegtay in ay korortay tirada dhimashada khawaarijta lagu laayay Jubbaland

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Labo X/le Sheekh Abuukar Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay sii korortay tirada dhimashada iyo maxaabiista laga qabtay Khawaarijta soo weerartay fariisimaha Ciidanka Qaranka ee deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada hoose.

“Marka la isku dara dhaawaca iyo dhimashada waxay hadda kor u dhaaftay 200 oo dhagarqabe oo katirsan khawaarijta, halkaas waxaa lagu gaarsiiyay jab xooggan, waxaana loo dhigay cashar lama ilaawaan ah, taasna waxay ku tuseeysaa sida ciidanka Qaranka diyaar ugu yihiin difaaca dalka” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga  Labo X/le Sheekh Abuukar.

Labo X/le Sheekh Abuukar ayaa dhanka kale sheegay in Ciidanka Xogga iyo kuwa Jubbaland ay ku guuleysteen furista waddada xiriirisa Kismaayo iyo Afmadow oo muhiim u ah isku socodka iyo dhaqaalaha dadka ku dhaqan halkaas.

Howgalkan oo dhacay July 22, 2024 ee lagu khaarajiyay horjoogeyaal iyo malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta wuxuu tusaale u ahaa sida Ciidanka Xogga dalka ugu diyaarsanyihiin ka jawaabista weerarrada fuleynimo ee khawaarijta ku soo qaadaan xarunaha Ciidanka.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta naf la caariga ah ee duullaanka ku ah dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna.