Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay qarax uu fuliyay dhagar-qabe naftii hallige ah, kaasi oo ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: “Qarax ayaa saaka abaare 11:20AM ka dhacay afaafka hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaas oo uu fuliyay qof naftii halige ah oo ka tirsan argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab.”
Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in laamaha amnigu ay hadda wadaan baaritaanno ku saabsan falkaasi argagixiso, isla markaana bulshada Soomaaliyeed lala wadaagi doono natiijada baarista marka ay soo dhammaystiranto.