Wasaaradda dhallinyarada oo qabatay tartan loogu talo galay dhallinyarada maqalka la’

Wasaaradda dhallinyarda iyo Isboortiska Soomaaliya ayaa qabatay tartankan, kaas oo ay ka qayb galeen 8 kooxood oo isugu jiro cayaartooy, macallimiin iyo maamulayaal isboorti oo ay tiradooda gaareeyso 160 qof.

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada XFS Mudane, Xil Maxamed Bare ayaa iclaamisay in la qabto wejiga labaad ee tartanka dadka maqalka la’ , iyadoo taas laga duulaayo ayaa Agaasimaha waaxda Isboortiga, Saciid Maxamed Xasan (Saacid) waxa uu furay tartankii dadka baahiyada gaarka ah qabo, gaar ahaan kuwa Maqalka la’.

Bishii November ee sanadkii hore ayuu wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil , Maxamed Barre Maxamuud ku dhawaaqay in tartan joogta ah loo samayn doono dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba oo garoomadooda si gooni ah loo dayactiri doono.