Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS iyo FIFA oo isla gartay in la qabto doorasho loo dhan yahay

Wasiirka Dhallinyaradaha iyo Ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Barre Maxamuud ayaa SONNA u sheegay in ay isla garteen xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA inaan la aqbalaynin doorasho hal dhinac ah oo kala qaybinaysa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Wasiirka oo shir fogaan arag ah la yeeshay xubno ka tirsan FIFA, ayaa sheegay in ay isla garteen halista ka imaan karta doorasho aan la isku raacsanayn oo hal dhinac ah iyo sida ay u xagal daacin karta xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Mudane Xil. Maxamed Barre ayaa sheegay in wasaaradda u xilsaaran tahay ilaalinta mabaadida asaasiga ah ee midnimada Sports-ka dalka iyo kor joogtaynta doorashada ay qabsanayaan xiriirrada kala duwan ayna ku dadaali doonaan in doorasho lagu wada qanacsanyahay la qabto.

Dhanka kale bahda Sports-ka ee dalka iyo dibadda kala jooga ayaa soo dhaweeyay bayaankii wasaaradda ka soo baxay todobaadkii hore, iyagoo sheegay in ay ku qanacsanyihiin hanaanka Wasaaradda u jiheyso doorashada.