Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa si weyn u soo dhaweysay ansixinta rasmiga ah ee Dastuurka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah maanta ku meel mariyeen Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayey ku sheegtay in ansixinta Dastuurka ay tahay guul taariikhi ah oo soo gabagabeynaysa geeddi socod dib u eegis ah oo socday in ka badan 13 sano.
Mudadaas ayaa la tilmaamay in ay ka soo qayb qaateen hay’adaha dowliga ah, dowlad goboleedyada, khubaro sharci iyo dastuur, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa uga mahadcelisay Labada Aqal ee Baarlamaanka, guddiyadii dastuurka, hay’adaha fulinta, dowlad goboleedyada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed doorkii ay ku lahaayeen geeddi socodkan muhiimka ah.
Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay bogaadisay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka oo hoggaamin muuqata ka qaatay dardargelinta iyo dhammaystirka Dastuurka, iyadoo ku tilmaantay tallaabadan mid xoojinaysa dimuqraadiyadda, midnimada qaranka iyo hirgelinta nidaam dowladeed oo sharci ku dhisan.


