WASAARADDA CAAFIMAADKA XFS OO KU GUULAYSATAY HOGGAANKA GUDDIGA AFRIKA

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka dulshada  ee XFS ayaa ku  guuleystay  hoggaanka guddiga Africa ee CDC ee heerka wasaaradeed isla markaanna ay xubno ka yihiin waddamo badan oo Africa ah , kadib tartan adag iyo olole xooggan oo dhowaan ka dhacay dalka Tansaaniya.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Buraale] oo Soomaaliya  ku matalayay Shirka lagu dooranayay hoggaanka cusub ayaa dedaal dheer iyo olole ballaaran geliyay in ay Soomaaliya madax ka noqoto guddigan .

Guddigan heer wasaaradeed ah ee Africa , waa hay’ad farsamo oo Midowga africa u qaabbilsan inay ka caawiso dawladaha xubnaha ka ah Ururka dedaallada ay ku ogaanayaan, qorsheynayaan, ugana jawaabayaan khataraha caafimaadka bulshada iyagoo isticmaalaya cilmiga sayniska, xogta, iyo siyaasadooda.

Taasi oo lagu  gaari kara  iyada oo la horumarinayo awoodda xirfadlayaasha caafimaadka dadweynaha iyo kaalmada farsamo ee la siinayo waddammada ay soo food saartay walaacyo caafimaad oo murugsan.