Wasaaradda Caafimaadka oo Baydhabo kusoo gaba-gabeesay shirka Istaraatiijiyada Caafimaadka Dalka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku soo gaba-gabeeyay shir looga wada tashanayay sidii wasaaradaha Caafimaadka ee heer Maamul Goboladeed ay u samaysan lahaayeen Qorshaha Hirgalinta Istaraatiijiyada Nidaamka Caafimaadka Dalka ee 2022-2026.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukumadda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka ee maamul goboleedyada kala ah, Hirshabeele, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Gobalka Benadir.