Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo tababar u furtay qaar ka mid ah shaqaalaha cafimaadka

Wasaaradda caafimaadka maamul goboleedka Galmudug ayaa magaaladda Dhuusa-mareeb tababar uga furtay 54 qof oo ka tirsan guddiga heer bulsho ee mashruuca Marwo caafimaad oo ka howl-gala degmooyin ka tirsan Galmudug.

Agaasimaha qorsheynta iyo siyaasadda ahna isku duwaha mashruuca Marwo caafimaad , Cabdixakiin Maxamed Diiriye ayaa sheegay in guddigan uu hayo howlo muhiim ah oo ay ka mid yihiin inuu Marwo Caafimaad la shaqeeyo, la ogaado , la wadaago wixii caqabado ah ee ka dhex jira xarunta iyo bulshada iyo inuu sameeyo la xisaabtan.

Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Galmudug ayaa sheegay in guddigani uu billow u yahay daadejinta howlaha  caafimaadka Galmudug, isagoo intaa ku daray in go’aanku uu noqdo mid la wada leeyahay, kaas oo ka imanaya bulshada, degaanka iyo degmada adeegga laga bixiyo, si uu ugu dambayn u yimaaddo Wasaaradda si uu manaafacaad ugu yeesho bulshada.

Guddigan oo ah mid heer bulsho, kana shaqeeya wacyigelinta iyo ka war qabka arrimaha caafimaadka, isla markaana bah wadaag la ah Wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa waxa uu ka howlgalaa degmooyinka Caabudwaaq, Cadaado, Dhuusamareeb iyo Xeraale ee maamulka