Wasaaradda Beeraha XFS oo dhiirri gelineysa tacbashada Timirta

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhiirri gelineyso tacbashada Timirta.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Beeraha XFS ayaa lagu sheegay in ay xoojinayaa beerashada Timirta dhalka oo dhan, waxayna sheegtay wasaaraddu in ay hadda taageerayaan kuwa hadda ku jira beerashada ee inta badan ka tacbada deegaannada Puntland iyo Soomaaliland.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay beeraleyda Timirta u dhisayaan iskaashato degaanka ah iyo mid weyn oo ay gebigood ku mideysan yihiin.

Sidoo kale, Wasaradda Beeraha ayaa sheegtay in ay ka gadanayaan abuurta Timirta si loo gaarsiiyo gobollada kale ee dalka.

Waxaa dhowaanahay soo badanaya fahamka beerashada Timirta oo markii hore ku ekeyd meelo kooban oo keliya, waxaana tijaabooyin kala duwan oo la sameeyay lagu ogaaday in ay dalka oo dhan si wanaagsan ugu bixi karto Timirta.