Wasaaradda Beeraha oo daahfurtay xarunta la socodka saadaasha Hawada

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wehliyaan Wasiir dowlaha Wasaaradda,Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Waaxda Waraabka iyo Hor-udiga ayaa ka daah furay Xarun Cusub Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS.

Xaruntaan oo loogu tala galay la socodka saadaasha hawada taas oo burburkii kadib ay dalka caawin jireen hay’ado kale, xaruntaan ayaa soo saari doontaa xogo dhamestiran oo ku saabsan Heer-kulka, roobka, xaaladaha dabeelaha taas oo beeraleyda ka caawinkarta in ay qaataan go’aano wax ku ool ah marka ay beeraha abuurayaan Iyo waliba waraabka.