Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi Carabeey oo ay Wehliyaan Xubno ka Tirsan Hay’adda Batroolka Soomaaliyeedayaa ka qeybgalay Shirweynaha E & P Africa oo lagu qabtay Magaalada London , Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Eng.Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa ugu qeybgalay Shirka aaladda fogaan aragga ee (Zoom Meeting) ,Shirakan ayaa waxaa ka qeyb-galay Dhammaan Shirkadaha ka Shaqeeya Baarista ,Soo Saaridda iyo Suuq-qeybta Shidaalka Qaaradda Africa ,
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS ayaa Shirweynaha ku soo bandhigtay Sooyaalka Taariikhda Shidaalka Soomaaliya iyo Fursadaha ka jira dalka ee ay ka faa’iideysan karaan Shirkadahaas.