Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdinaafac Axmed Cabdullaahi, ayaa maanta sagootiyey labada arday ee Soomaaliya u matalaya Tartanka Caalamiga ah ee Qur’aanka Kariimka oo lagu qabanayo Boqortooyada Sacuudiga.
Labada arday ee dalka metelaya ayaa kala ah Maxamed Nuur Maxamed Ibraahim, oo ku tartamaya xifdiga 30-ka juz ee Qur’aanka Kariimka, iyo Muna Cabdiraxmaan Maxamed Sabriye, oo ku tartamaysa qaybta 15-ka juz. Labadooduba waxay ka soo dhex baxeen tartankii heer qaran ee Qur’aanka Kariimka oo Wasaaraddu qabatay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, iyagoo kaalmaha ugu sarreeya ka galay tartankaas.
Hadal dardaaran iyo dhiirrigelin isugu jiray ayuu ujeedinaya labada arday, Dr. Cabdinaafac Axmed Cabdullaahi isagoo ku adkeeyey inay mar walba maskaxda ku hayaan in ay yihiin wakiillada Soomaaliya iyo kuwa ummadda Soomaaliyeed ee xambaarsan Kitaabka Alle.Guusha dhabta ahina aysan ku koobnayn kaalinta la gaaro, balse ay ku jirto sida qofka xaafidka ahi u metelo diintiisa, dalkiisa iyo akhlaaqda Qur’aanka Kariimka. Waxa uu intaas ku daray in Wasaaraddu ay rajo weyn ka qabto in labada arday ay ka soo hooyaan natiijo sharaf u soo hoyn doonta Soomaaliya, kana turjumi doonta heerka ay dalka ka gaareen kobcinta iyo diyaarinta Xuffaadda Qur’aanka Kariimka.
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale bogaadiyey waalidiinta iyo macallimiinta dadaalka dheer geliyey tarbiyeynta iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka, isagoo ku tilmaamay inay yihiin laf dhabarta guul kasta oo ay gaaraan ardayda Soomaaliyeed. Wuxuu Alle uga baryey labada arday inuu u fududeeyo socdaalkooda, ku gallado tartanka, uguna soo celiyo dalkooda iyagoo guulo iyo sharaf wata.
Munaasabaddan ayaa waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Waaxda Qur’aanka Kariimka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo waalidiinta labada arday , kuwaas oo dhammaantood duco iyo dhiirrigelin u jeediyey Muna iyo Maxamed, iyagoo Alle ka baryey inuu ku asturo safarkooda, kuna guuleeyo tartanka caalamiga ah.
Sanadihii u dambeeyey, Xufaadda Soomaaliyeed waxay si muuqata uga dhex iftiimeen tartamada Qur’aanka Kariimka ee heer gobol iyo heer caalami, arrintaas oo muujinaysa dedaalka laga sameeyey jiilka sookoraya, tayada macallimiinta iyo hibada ay Alle ku mannaystay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku barbaartay xifdiga, tajwiidka iyo codadka quruxda badan.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa xoojinaysa dadaallada lagu horumarinayo tartamada Qur’aanka Kariimka, iyada oo hirgelisay hannaan hufan oo lagu xulo tartamayaasha, kuna salaysan caddaalad, hufnaan iyo shuruudo mideysan. Ujeeddadu waa in fursad siman loo abuuro dhammaan ardayda hibada u leh xifdiga Qur’aanka, si Soomaaliya ay mar walba ugu yeelato matalaad sharaf leh fagaarayaasha caalamiga ah.

