Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Qaran, kana duuleysa qorshe howleedka arrimaha
xajka ay u dejisey Dowladda Sacuudi Carabiya, waxay la socodsiinayaa dhammaan xujeyda Soomaaliyeed ee doonaysa inay soo gutaan rukniga xajka sanadka 1447H/2026 in la bilaabey
hirgelinta iyo fulinta jadwalka shaqo ee arrimaha xajka,
Jadwalkas oo ay ku cad yihiin dhammaan qorshe howleedka isku wada sidkan, sida waqtiyada uu furan yahay Masaarka ama mereegta danabeysan ee la geliyo macluulmaadka iyo adeegyada
xaajiga/xaajiyada Soomaaliyeed, wakhtiyada lacag bixinta ay ku eg tahay, wakhtiyada la diyaarinayo teendhooyinka Mina, iyo Carafa, iyo waqtiyada la kireynayo, lana bixinayo lacagahooda hoteeladii ay ka degi lahaayeen xujeyda Soomaaliyeed magaalooyinka barakeysan Madiiina Almunawara iyo Makka Almukarrama, inta lagu guda jiro mowsimka xajka.