Wasaaradda Awqaafta ee XFS oo sheegtay in sanadkan la dardar gelin doono howlaha gudashada Xajka

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS , Maxamuud Macalin Yaxye ayaa sheegay in sanadkan kor loo qaadi doono howlaha gudashada Xajka, si muwaaddiniinta Soomaaliyeed loogu fududeeyo acmaasha ay gudanayaan.

“sanadkaan waxaa kor loo qaadi doono  howlaha gudashada Xajka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed oo gudanayo acmaasha Xajka loogu fududdeeyo”

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay maaddaama ay sanadihii lasoo dhaafay dib u dhacyo ku yimmaaddeen howlihii Xajka sababa la xiriiri xanuunka Corona Virus ay haatan doonayaan in sare loo qaado howlihii Xujeyda.

Dhinaca kale, wasaaradda Awqaafta ayaa furtay tartanka shirkadaha ku shaqada leh fududeynta howlaha Xajka Sanadkan 1443 oo waafaqsan 2022, iyadoo u saartay guddi gaar ah.