Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS iyo madaxda kale ee wasaaradda ayaa soo dhoweeyay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhameystirka Dastuurka dalka.
Wasaaradda ayaa ansixinta dastuurka ku tilmaantay tallaabo taariikhi ah oo lagu qabyo-tiray dastuurkii KMG ahaa, looguna saldhigay heshiis bulsho oo kala asteynaya awoodaha iyo waajibaadka heerarka hay’adaha federaalka ah, isla markaana xoojinaya dowlad-wanaagga, isla xisaabtanka iyo wadajirka qaranka.
“Ansixinta Dastuurkaan waxay astaan u tahay marxalad cusub oo lagu xaqiijinayo dowlad ku dhisan sharci adag iyo kalsooni dadweyne, taas oo saldhig u ah shaqada Wasaaradda ee ku aaddan helidda maamullo ku yimaada rabitaan bulsho, horumarinta nidaamka federaalka, xoojinta dib-u-heshiisiinta iyo midnimada bulshada.
Qoraalkaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu yiri “wasaaradda waxaa ka go’an hirgelinta qodobada dastuurka, si loo dardargeliyo dhismaha dowlad adag, mideysan oo waarta”.

