Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo daah furtay shirka Dib u eegista iyo Baahinta Maaliyadeed ee Dowladaha Hoose

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku daahfurtay caasimadda Muqdisho Dib u eegista iyo Dhamaystirka  Qaab Dhismeedka Xiriirka iyo Baahinta Maaliyadeed ee dowladaha Hoose.

Kulankaan oo socon doona Muddo laba maalin ah ayaa waxaa goobjoog ka ah wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorshaynta iyo Maaliyadda ee dowlad goboleedyada dalka, qaar ka mid ah duqowda degmooyinka dalka, gobolka Banaadir iyo wasaaradaha Maaliyadda iyo Caddaaladda ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qayb ka ah Saaxibada Caalamiga ah ee ka taageera Soomaaliya arrimaha Dowladaha Hoose ee ku bahoobay UN-JPLG.