Wasaaradda arrimaha dibadda Rwanda oo aqoonsiga ka guddoontay danjiraha Soomaaliya

Kigali: Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Rwanda, Kabarebe James, ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Ilyaas Cali Xasan oo sidoo kale ah safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika.

“Waxaa sharaf ii ah in maanta nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiirenimo aan dalkayga ugu uu iga gudoomay Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibada Rwanda, Kabarebe James,” ayuu yiri Danjire Ilyaas.

Wuxuu sii raaciyay: “Waan uga mahadcelinayaa soo dhawaynta diirran waxaana rajeynaa in aan sii xoojiyo xiriirka labada ee Soomaaliya iyo Rwanda”.