Wasaaradda arrimaha dibadda oo Muqdisho ku soo gabangabaysay wadatashi ku aadan bad-qabka deegaanka

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  ee dowladda FS oo kaashanaysa ururka isbaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa maanta magaalada muqdisho ku soo gabagabaysay shir socday labo maalmood oo looga hadlayay Istaraatiijiyada Gobolka ee Biotechnology, Biosafety iyo Biosecurity ee Ururka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC).

Kulankan ayaa Lagala tashanayay hay’adaha dowladda u qabilsan arrimaha la xariira badqabka Deegaanka iyo Binaadamka. Munaasabadda ayaa iskugu yimid, mas’uuliyiin ka socda dowladda, khuburo, iyo daneeyayaal si ay uga wada hadlaan sida Soomaaliya ay uga faa’iideysan karto biotechnology si loo xoojiyo koritaanka dhaqaale, iyadoo sidoo kale la hubinayo badbaadada caafimaadka bulshada iyo deegaanka. Kulanka la-tashiga ayaa xooga saaray muhiimadda ay leedahay isku xidhka siyaasadaha Soomaaliya ee beeraha, Biotechnology, iyo Biosafety iyadoo lala jaanqaadayo qorshayaasha goboleed si loo dhiirrigeliyo horumarka waara ee Bariga Afrika.

Mawduuca ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ahaa baahida loo qabo in biotechnology loo adeegsado si loo kordhiyo wax-soosaarka beeraha, loo hagaajiyo amniga cuntooyinka, loona taageero caafimaadka bulshada. Khuburadu waxay ka wada hadleen doorka biotechnology ee abuuri kara dalagyo ka-hortagga cudurrada iyo hagaajinta caafimaadka xoolaha. Sidoo kale, waxaa la muujiyay baahida loo qabo in la sameeyo xeerar adag oo baadbaado ah iyo qaab-dhismeedyo Amni si ammaan ah loo maareeyo isticmaalka cilmi-baarista ku saleysan wax-soosaarka noolaha (GMOs) iyo codsiyada biotechnology. Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda ka-qaybgalka bulshada iyo ka qaybgalka go’aan qaadashada si loo dhiso kalsoonida iyo aqoonsiga faa’iidooyinka hal-abuurnimada biotechnological.

Mustaqbalka, ka qaybgalayaashu waxay ka go’naayeen dhameystirka istaraatiijiyadda gobolka ee biotechnology, kor u qaadista wacyigelinta dadweynaha, iyo xoojinta awooda hay’adaha ee biotechnology, biosafety, iyo biosecurity. Kulanka ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga goboleed ee hoos yimaada EAC, iyadoo Soomaaliya si firfircoon uga shaqeyneysa isku xidhka siyaasadaha biotechnology iyo xoojinta awoodda cilmi-baarista. Doodaha kulankan ayaa bixiyay waddo cad oo Soomaaliya ku noqon karto ciyaaryahan muhiim u ah dadaallada goboleedka ee horumarinta beeraha waara, hal-abuurka biotechnology, iyo biosecurity gudaha Ururka Iskaashiga Bariga Afrika.