Muqdisho (WARGEYSKA DALKA):- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta daahfuray Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Wasaaradda ee Shanta Sano ee soo socta 2026–2030, kaas oo uu hoggaaminaayay Agaasimaha Qorsheynta, Cilmi-baarista iyo Horumarinta ee Wasaaradda Mudane Jibriil Afyare.
Qorshahaan ayaa dejinaya jihada iyo mudnaanta Wasaaradda shanta sano ee soo socota, iyadoo diblomaasiyadda la gelinaayo waqti iyo dadaalo lagu ilaalinaayo madaxbannaanida iyo danaha qaranka Soomaaliya, xoojinta nabadda, amniga, iyo horumarinta kobaca dhaqaale iyadoo loo marayo iskaashi caalami ah.





