Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa maanta nuquladda tusaalaha Baabooradda cusub ku wareejiyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara).
Wajiga koowaad, 80 buug oo baasaboorro cusub ah ayaa la gaarsiin doonaa safaaradaha iyo xafiisyada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee ku kala yaalla dalalka caalamka, iyadoo tirada guud la filayo inay gaarto 200.
Wasaaraddu waxay baasaboorka cusub gaarsiin doontaa safaaradaha Soomaaliya iyo dowladaha shisheeye, si ay uga warqabaan casriyeynta lagu sameeyey dukumentiyada safarka ee Soomaaliya, ka hor inta aan si rasmi ah loo bilaabin bixinta baasaboorka cusub.










