Wasaaradda amniga oo hirgalisay adeeg loogu talagalay ka hortagga maalgelinta argagixisada

Wasiirka amniga gudaha ee jamuuriyada fadaraalka Soomaaliya S/Guuto C/llaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) ayaa daah furay adeegga Labarka gaaban “888” ee ka hortagga maalgalinta Argagixisada.

Munaasabadaasi daah furka waxaa goob joog ahaa wasiiro, xildhibaano, taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub axmed Firin iyo marti Sharaf kale.

Adeegan waxaa loogu talagalay inay si sahlan ku soo wacaan shacabka Soomaaliyeed ee Khawaarijtu baad weydiistaan ama hela xog la xiriirta qof ay dhibaato dhaqaale qaadasho ah ku hayaan, waxaana uu kaalin weyn ka qaadanayaa joojinta baadda ay Khawaarijtu Sakada oo ah rulni diini ah ugu soo gambanayaan.

Wasiir Fartaag ayaa soo jeediyey in si buuxda looga faa’iideysto adeegan oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.