Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Laandheer ee waqooyiga Galgalduud, waxayna laamaha ammaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug fartay in laga hortago shaqaaqooyinka iyo xasaradaha soo cusboonaaday.