Wasaaradaha Caafimaadka Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay iskaashi dhexmaro labadda wasaaraddood

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda XFS Mudane Xildh. Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa la kulmay Wasiirka Caafimaadka Dalka India Dr. Mansuukh Mandaviya.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimaadka dalka India ayaa labadda masuul waxa ay uga wada hadleen iskaashiga dhexmara labadda wasaaraddood ee labadda dal, Soomaaliya iyo India.

Wasiiradda ayaa isku afgartay in laga wadasheeqo iskaashi mirro dhal ah dhanka daawadda, tababarrida iyo dhisidda aqoonta shaqaalaha caafimaadka iyo tayeynta hay’addaha caafimaadka dalka.

Sidoo kale, waxa la isku soo qaaday xalinta dhibaatooyinka dhaqaale iyo midda farsamo oo ay kala kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo aada dalka India in ay daawayn iyo lataacaalid ka helaan.