Wasaarada howlaha guud iyo dib udhisaka Galmudug oo qabtay tababar ku saabsanaa qorsheeynta & ka hortagga Masiibooyinka

Muqdisho(WargeyskaDalka):- Tababarkaan oo ay soo agaasintay wasaarada howlaha guud dib udhiska Dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku saabsanaa u adkeysiga masiibooyinka iyo qorsheynta lagaga hortagi karo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Tababarkan oo socon doona muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa ka qeyb galaya mudada uu socdo qaar kamid ah howlwadeennada dowladda hoose ee dagmada Gaalkacyo iyo isku duwayaasha wasaaradaha galmudug ee Gobalka mudug

Guddoomiye kuxigeenka dagmada Gaalkacyo Injineer Maxamed Cabdi Cilmi ayaa sheegay in tababarkaan uu yahay mid wax badan ay ka faa’iidi doonaan ka qeyb galayaasha ka socday qeybaha kala duwan ee wasaradaha Galmudug, isagoo kula dar-daarmay waxyaabaha ka korarsadaan ay noqdaan kuwa ay ugu adeegaan Bulshada.