Xilligii burburka dalka waxay Saxaafadda Soomaaliyeed Ku begantay waqti aan dowlad dhexe oo xooggan aysan dalka Ka jirin, waxay ku soo beegantay qaran bur-buray iyo bulsho bahalowday oo aan kala garqaadaneynin,
Dhinaca Kale, dhallintii joogtay xilligaan adag ka shaqeynayay saxaafadda waxay la soo baxeen farsamooyin u gaar ahaa iyagoo adeegsanayay caqli iyo maskax si ay u nabad galaan iyagana looga nabad galo, taasoo u suurta geliysay inay si fudud uga faa’iideystaan farsamooyinka casriga ah ee howlaha saxaafadda, runtii waxay ahayd arrimo u baahanaa xeelad iyo xirfad Aqoon saxaafadeed, si la isaga ilaaliyo wax kasta oo waxyeeleyn karay habsami u socdkii saxaafadda xilligaas adag .
Dhaliishu ma reebaneyn balse, dhib abuurista ayaa ka daraneyd Dhaliil yar oo laga indho qabsan karay oo si kam’a ah ama aqoon darro ku dhacdaysay.
Si kastaba ha ahaatee, waa laga soo gudbay hadda waxaa Muhiim ah in Saxaaddu Ka Shaqeyso horumarinta danaha guud ee dalka iyo isku xirka bulshada, oo dan Shaqsi gaar ahna uusan ka leexin danihii guud ee dalkaaga iyo dadkaaga u heysay.
Haddaba, sida laga warqabo Warbaahinta waxaa ugu fac weyn Wargeysyada iyaga oo ahaa Isha kaliya oo laga xigan jiray xogaha iyo waxa caalamka ku shaacsan.
Soomaaliya waxaa ay qeyb ka aheyd wadamada uu saameynta xooggan ku lahaa wargeysku waxaana aqrisan jiray dad badan oo Soomaali ah.
Inta aysan Soomaaliya xorriyadda qaadan waxaa soo bixi jiray dhowr Wargeys oo ku qoran afaf qalaad oo kala duwan sida carabiga ingriisiga iyo talyaaniga.
Taariikhda ay soo mareen wargeysyada soomaaliyeed waa mid xasuus iyo dib u gocosho leh, wargeysyada ayaa qiimo ku dhex lahaa bulshada wax aqriso.
Haddaan dib wax yar isu xasuusino 1960-1970 dalka waxaa ka soo bixi jiray afar Wargeys oo shisheeye lahaayeen, waxaa ayna ku soo bixi jireen afafka Talyaaniga iyo Ingiriiska waxaa mid ka mid ah la dhihi jiray Somali News”. Corriara dela Somalia iyo kuwo kale.
Teknoloojiyada uu caalamku ku tallaabsaday Soomaaliya waxaay uga dhiganeyd mid yareysay aqriska wargeysyada, balse waxaa jira dad aan faro badneyn oo weli ku faro adeygaya aqriska Wargeysyada.
Wargeysyada ugu muhiimsan adduunka maanta joogno?
Haddaan soo qaadanno matalan wargeysyada ugu muhiimsan adduunka aynu ku bilowno sheegistiisa The New York Times, waa wargeys maalinle ah oo lagu daabaco magaalada new york, ku qoran luqadda ingriiska, waxaa xusid mudan in joornaalkan la aas’aasay sanadkii 1851 waxaa loo arkaa inuu yahay wargeys aan qiimo badan lahayn oo ka jira dalka Mareykanka.
Dhinaca kale, The Guardian-ka waa wargeys Ingiriis ah oo la daabaco Isniinta ilaa Sabtida iyadoo loo eegayo qaabka Berlin.
Wargeysku waxaa la aasaasay 1821 wuxuuna saldhigiisu yahay magaalada London. Tifaftirayaasha wargeyskan ayaa inta badan u janjeera dhanka siyaasadda bidix. Sida xaqiiqda xiisaha leh, waxaan kuu sheegeynaa inuu yahay wargeys ku qoran Ingiriis oo heer qaran u daabaca midab ahaan.
Sidoo kale, el daily mail waa wargeys Ingiriis ah, oo loo arko inuu yahay tabloid. Waxaad xiiseyn doontaa inaad ogaato inuu yahay wargeyska labaad ee loogu akhriska badan yahay Ingiriiska, marka laga soo tago The Sun.
Wargeyska waxaa la aasaasay 1896.
Haddaan fiirinno wargeyska The Wall Street Journal waa wargeys maalinle ah oo ka soo baxa dalka Mareykanka lana aasaasay sanadkii 1889 xaruntiisuna waa magaalada New York wargeyska dhanka siyaasadda wuxuu u janjeera dhanka muxaafidka.
Washington Post ayaa isagana ah wargeys ka soo baxa dalka Mareykan, oo loo arko inuu yahay wargeyska ay dadku jecel yihiin uguna da’da weyn Washington DC.
Wargeyskaan wuxuu caan ku yahay warbixintiisa Aqalka Cad, Koongareeska, iyo dhinacyada kale ee dowladda Mareykanka.
Maalintii Dadka, waa wargeys ka tirsan xisbiga shuuciga xukuma ee Shiinaha, oo lagu daabaco adduunka oo dhan, marka lagu daro luqaddiisa ugu weyn ee Shiinaha, waxay leedahay daabacado kala duwan sida Ingiriis, Jabaan, Faransiis, Isbaanish, Ruush, Carabi, iyo Kuuriya.
Wargeysku wuxuu bixiyaa macluumaad toos ah oo ku saabsan siyaasadaha iyo aragtida Xisbiga.
Haddaba ugu dambeyn Wargeyska dalka waa Wargeysk ka soo baxa dalka Soomaaliya ka dib burburkii waana kii dhaxlay wargeyskii la oran jiray Xiddigta Oktoobar.
Soomaalida waxay tiraahdaa Wax badan Akhri si aad waxbadan u fahanto ka dhigo wehelkaaga Wargeyska dalka si aad ula jaanqaaddo waxyaabaha ka dhacaya dalkaada korna aad ugu qaaddo aqoontaada, fikradda iyo maskax garaadkaada
WQ: Cabdisalaan M. Yaasiin