Waxaa soo dhammaaday wareegga koowaad ee dooraahadsa Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS. 7 musharax ayaa ku tartamayey af-hayeenka golaha shacabka, waxaana codeeyey 240 mudane.
Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Golaha shacabka ayaa ku dhawaaqay natiijada wareegga ee doorashada,waxaana wareegga labaad u gudbay afarra musharax ee ugu cododka badan.
Wareegga koowaad sidaan ayaa codadka loo kala helay:
1. Cabdirashiid Maxamed Xidig 6-cod
2. Cabdullahi aadan Axmed Balck 33-cod
3. Aadan Maxamed Nuur Saransoor 23-cod
4. Xasan Cabdinuur 98-cod
5. Sadiiq Cabdullahi Cabdi 5-cod
6. Shariif Maxamed Abdalla 13-cod
7. Sheekh Aadan Nuur Madoobe 74-cod
Wareegga labaad ee tartanka guddoomiyaha Golaha shacabka waxaa u gudbay:
1. Xasan Cabdinuur oo helay 98-cod.
2. Sheekh Aadan Nuur Madoobe oo helay 74-cod.
3. Cabdullahi aadan Axmed Balck oo helay 33-cod.
4. Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo helay 23-cod.