Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu ay mas’uul ka tahay ilaalinta arrimaha tiir dhexaadka u ah jiritaanka bulshada oo ay ugu horreeyaan diinta, dhaqanka, afka, amniga iyo kobcinta nolasha shacabka.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Labaad ee Warqadda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo muddo laba maalmood ah ka socday Caasimadda Muqdisho.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay ilaalinta sareynta sharciga.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar oo ka dhacday Garoonka Ciyaaraha Muqdisho.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikradda Xagjirka (P/CVE).
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka Marooko uga qeybgaley Madasha Sanadlaha ah ee MEdays.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee (NIRA), kaas oo sannadkan diiradda lagu saarayo horumarinta iyo casriyeynta adeegga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Koowaad ee Bahda Caddaalladda, oo looga hadlay horumarinta sharciga, isla xisaabtanka, iyo xoojinta kalsoonida ay bulshadu ku qabaan hey’adaha garsoorka.
10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Axmed Xasan Yuusuf u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda.
11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, oo ka furmay magaalada Luanda ee dalka Angola.
12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa ka qeyb-galay kalfadhiga 21-aad ee Shirweynaha Guud ee UNIDO oo ka socda magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
13- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa furay tababar loo qabtay xirfadlayaasha ka shaqeeya nidaamka caddaaladda carruurta.
14- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa soo xiray kulan heer sare ah oo ay yeesheen Guddiga Hagista Barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta.
15- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa daahfuray Xarunta Luqadaha iyo Tarjumaadda ee Wasaaradda.
16- Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa magaalada Marrakech kaga qaybgalay Shirka 93-aad ee INTERPOL, halkaas oo looga hadlay amniga caalamiga ah, ka hortagga dembiyada xudduudaha, la dagaallanka scam-yada, iyo habraacyada casriga ah ee Interpol.
17- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa si rasmi ah u daah-furay Mashruuca cusub oo lagu magacaabo Somalia Productive, Resilient, and Inclusive Growth (SPRING) oo uu maalgalinayo Bangiga Adduunka.
18- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah isaga diiwaan geliyay xarunta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee magaalada Gaalkacyo, gobolka Mudug.
19- Wasiirka Amniga Gudaha General Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Munir Karaloğlu.
20- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qaabilay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr.Hideki Matsunaga.
21- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa si rasmi u daahfuray Shirweynaha Xalalka Horumarineed kaasi oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara.
22- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa khudbad ka jeediyay Shirka 55-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira, isagoo xusay horumarka Soomaaliya, dooraashooyinka ka dhacaya dalka iyo qadiyadda Falastiin.
23- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 34-aad ee Golaha Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), oo si rasmi ah uga furmay magaalada London.
24- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Al-Makhzoumi ayaa Muqdisho ka furtay ololaha 16-ka maalmood ee la dagaallanka tacaddiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha, kaas oo si xooggan uga socon doona guud ahaan dalka.
25- Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa kormeeray shaqooyinka ka socda xarumaha Waxbarashada ee dowladdu u qorsheysay in lagu siiyo koronto bilaash ah oo laga dhalinayo cadceedda.
26- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka degaanka ayaa degaanka Cali Heele ee Galgaduud, ku dilay Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal, oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sare ee argaxisada Al Shabab, kadib hawlgal halkaasi ka dhacay.
27- Hay’adda NISA ayaa degaanka Cumar Beere ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilar horjoogihii argagixisada Al-Shabaab Xasan Siidoow Xuseen iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa, kaas oo ka mas’uul ahaa abaabulka qaraxyada iyo weerarrada amni-darrada ee gobolka.
==========DHAMMAAD============

