Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya.
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgaley munaasabad aas qaran loogu sameynayay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Kenya, Raila Odinga oo dhowaan geeriyooday.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho gaaban ku tegay Addis Ababa, kulanna kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, iyagoo ka wada hadley iskaashiga labada dal.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan sanad-guuradda 71-aad ee Maalinta Calanka Sooomaaliya, isagoo shacabka ugu baaqey inay adkeeyaan midnimada dalka.
5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo si habsami leh u soo dhameystiray doorashada xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamanka Bariga Afika (EAC).
6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan xuska Maalinta Calanka u diray dhammaan shacabka Soomaaliya.
7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyaga oo ka wadahadley xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.
8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimeyaal Guud cusub u magacaabey Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo tan Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda.
9- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka qeyb-galay Shirka 72-aad ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee dalalka ku mideysan Gobolka Bariga Mediterranean,oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
10- Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Cabdiraxman Sheekh Faarax, ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Afrika oo looga hadlay dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee caalamka.
11- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya Adan Cabdullahi Aw Xasan, oo maalmahan booqasho ku jooga Muqdisho.
12- Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Washington D.C. ee dalka Maraykanka kula kulmay madaxda IMF, Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta,iyadoo dhinacyada horumarinta dhaqaalaha soomaaliya iyo dib u habaynta maaliyeed soomaaliya diiradda lagu saaray.
13- Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Madaxa Sanduuqa Horumarinta Dowladda Qatar.
14- Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku doortay xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) muddada 2022–2027.
15- Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
16- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa magaalada Dooxa kula kulantey Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Qatar, Marwo Maryam bint Cabdulla Al-Attiyah.
17- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Maxamed Aadan Macalin ayaa qaabilay Agaasimaha Guud ee UNOPS-Somalia Ala’a Nemer.
18- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, iyo wafdi heer sare ah oo ka socday Sanduuqa Nabadda ee Midowga Yurub (EPF).
19- Wasiir Ku-Xigeenka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Aadan Maxamed ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda Danish Refugee Council-Somalia Filip Lozinski.
20- Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa magaalada Dooxa kulan rasmi ah kula yeelatay Wasiirka Qoyska ee Dowladda Qatar, Buthaina Bint Ali Al Jabr Al Nuaimi.
21- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalim Maxamuud ayaa magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga kula kulmay Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Azarbajan.
22- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa shir-guddoomiyey kulan diiradda lagu saaray amniga guud ee maamulka oo ay ka qeybgaleen saraakiisha Ciidamada Booliiska, Xoogga Dalka iyo Nabadsugidda.
23- Howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure (Cali Qoyane), oo u qaabilsanaa sirdoonka magaalada Beledweyne.
24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Francesca Di Mauro.
25- Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa furtay Watashi Qaran oo socday muddo laba maalmood ah looga hadlay Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025-2030).
26- Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay nidaamkeeda cusub ee Caddaaladda oo looga talagalay in lagu wanaajiyo hufnaanta, daah-furnaanta, iyo isla xisaabtanka guud ee laamaha cadaaladda.
27- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga uga jaray Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Waxaracadde, oo dib loo dhisay, kaddib. burburkii dalka.
28- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa kala saxiixday is-afgarad ku saabsan in baasaboorrada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudaha dal-ku-galka.
29- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeer ku tegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka Khawaarijta.
===========DHAMMAAD==========
			
		
