Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga Ganacsiga  ee Dalalka Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wejiga 1aad ee wadahadalladii ka socday  magaalada Kismaayo ee lala yeeshay maamulka Dowlad Goboleedka Jubbaland, iyadoo lagu ballamey in wadatashiyada  ay sii socdaan.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka,isagoo xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siin doonto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta beeraha, kalluumaysiga iyo tamarta iyo abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada.

4-Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u  jeediyay shacabka Soomaaliyeed, kaddib, Salaaddii Jimcaha ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka, tanaasulka dowladda ee tabashooyinka mucaaradka, nidaaminta dhulka danta guud iyo dhacdooyinkii amni-darro ee caasimadda ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

5-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda u beenisay  warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sweden.

6-Ra’iisul Wasaare  Xamsa Cabdi Barre ayaa u magacaabay  Maxamed Xasan Cabdulle in uu noqda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa  daah-furay qorshaha dib loogu furay waddooyinka xiran ee caasimadda, oo gaaraya 52 waddo, kuwaas oo 15-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa sababo amni.

8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in qorshaha furitaanka waddooyinka caasimadda uu ku yimid isbeddel iyo horumar muuqda oo laga sameeyey amniga caasimadda, taas oo keentay in laga maarmo xirnaanshaha waddooyinka.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jamaac   ayaa uga warbixiyey culimada iyo ganacsatada ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka , xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarrada kala duwan ee ay xaqiijisay dowladda.

10-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi  ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kuliyadda Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom).

11-  Golaha Wasiirrada ayaa  ansixiyay heshiisyo  ku saabsan  tacliinta sare, cilmi baarista iyo waxbarashada oo lala  galay dalalka Uganda, Qatar iyo Algeria.

12-  Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Boqortooyada Sweden Pål Jonson, oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka argagaxisada Al-Shabaab.

13-  Wasiirka Amniga Gudaha   Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa   magaalada Kampala kulan kula yeeshay Wasiirka Amniga ee Jamhuuriyadda Uganda, Hon Jim Katugugu Muhwezi,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada  amniga, la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo isdhaafsiga macluumaadka sirdoonka.

14-  Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadaa Dr. Cali Xaaji Aadan  ayaa magaalada Amman kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka ee Jordan Dr. Ibraahim Mahfuz Al-Badour.

15-  Wasiirka Hawlaha Guud  Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay billaabayso mashaariic  horumarineed oo  dhismaha waddooyinka  iyo biya-mareenada caasimada Moqdisho wax looga qabanayo.

16-  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa magaalada Kigali kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca Dalka Rwanda  Juvenal Marizamunda, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Rwanda, General MK Mubarakh.

17-  Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka marwo  Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ayaa magaalada Geneva kulamo gaar ah kula qaadatay qaar ka mid ah safiirrada dalalka caalamka u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva.

18-  Wasiirka Qorshaynta Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo George Conway oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u guddomiyey shirka Maamulka Sanduuqa Wadajirka Soomaaliya ee (SJF),oo looga hadlay  Barnaamijka Taageerada Dowlad-Dhiska iyo Dib-u-heshiisiinta (SPSP).

19-  Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya hor-geeyay hannaanka xisaab xirka Warbixin Maaliyadeedkii 2024.

20-  Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa horgeeyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hindise-Sharciyeedka Caddaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

21-  Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa  kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Amb.Francesca Di Mauro,iyadoo kulanka diirada lagu saaray dhinacyada isgaarsiinta, casriyeynta taknoolijiyada iyo ka hortagga ammaanka internet-ka.

22-  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali  ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay 148 muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo ku dhibaateysnaa dalka Yeman oo ay dowladdu ku guuleysatay in ay dib ugu soo celiso dalkooda.

23-  Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta  Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka qeybgaley munaasabad lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

24-  Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo khudbad  ka jeediyay munaasabadda furitaanka Shirka lagu aasaasay Shabakadda Soo Celinta Hantida La Lunsaday ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika (MENA-ARIN) kaas oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

25-  Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah oo Soomaaliya ay kula soo wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan iyo waajibaadkeeda qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaasi oo Soomaaliya ka maqneyd tan 1993-dii.

26-  Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiija Al-Makhzoumi ayaa soo dhoweysay qaraarka Qaramada Midoobay ee ay Soomaaliya ku soo ceshatay kaalinteeda waajibaadka qaran ee xuquuqda aadanaha.

27-  Shirweynaha Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey ayaa diiradda lagu saaray kobcinta wax soo saarka wadamada gobolka oo socday laba maalmood.

28-  Wasiirka Gaashaandhigga Danjire Axmed Macallin Fiqi  ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in agoonta shuhadadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo sameeyo hay’ad gaar ah oo ka shaqeysa xanaaneyntooda.

29-  Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  Dr. Cali Xaaji Aadan, oo ka qayb galaya Shirka Wasiirrada Caafimaadka dalalka Islaamka ee ka socda magaalada Amman ee dalka Urdun, ayaa kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay wasiirrada caafimaadka dalalka Malaysia iyo Brunei Darussalam.

30-  La-Taliyaha Amniga Qaranka Danjire Aweys Xaaji Yuusuf ayaa magaalada Muqdisho kusoo xiray kulan labo maalmood u socday masuuliyiin ka kala socotay Xafiiska Amniga Qaranka iyo xafiisyada Amniga ee Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

31-  Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho  Danjire Maxamed Cali Nuur ayaa  dekadda ku soo dhaweeyay ganacsato Soomaaliyeed oo dhawaan Muqdisho uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Ganacsiga, maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka.

32-  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  Mustafe Dhuxulow ayaa  kulan mirro dhal ah la qaatay danjireyaasha dawladaha Qatar  iyo Talyaaniga ee Soomaaliya  u jooga ,isagoo kala hadlay horumarinta adeegyada socdaalka ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi.

33-  Wasaarada Amniga oo war kasoo saartay weerarkii  Khawaarijta Al-Shabaab ku  qaaday Xarunta Baarista Jilacow ee NISA, iyadoo oo sheegtay in dhamaan la toogtay dhagar-qabayaashii weerarka fuliyay oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood.

34-  Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta  Sadaad Maxamed Nuur, ayaa ka qeyb galay Shirka 76-aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR),oo ka qabsoomay   magaalada Geneva ee Dalka Switzerland.

35-  Safiirka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, Danjire Yusuf Axmed Xasan ayaa kulan la qaatay Taliyaha Guud ee Booliska dalka  Aljeeriya, Mudane Cali Badaawi.

36-  Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Caalamiga ah Expo 2025 ee ka qabsoomay  Osaka ee dalka  Japan.

37-  Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Faysal Aadan Xasan ayaa furay kulan dadweyne oo ku saabsan Kaalinta Bulshada ee ku aaddan Horrumarinta Cadaaladda.

38-  Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa soo xiray shirkii ugu horreeyay ee lagu dhisayo Madasha Isku-xirka Nidaamyada Digniinaha Hore ee Khatarta Badan ee Soomaaliya, kaas oo socday muddo Shan maalmood ah.

39-  Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda.

40-  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya howlgalka AUSSOM ayaa la wareegay degmada muhiimka ah ee Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

41-  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa  maleeshiyaadka Khawaarijta ka saaray deegaanno hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose oo muddooyinkii dambe ay argagaxisada ka dhigaanayeen gabbaad.

42-  Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga furtay hawlwadeenada xabsiyada dalka.

43-  Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo ka hortagga askareynta carruurta.